The mission of this website is to give you the latest information from Somaliland in general and Garadag in particular.

Situation under total control

Situation under total control

Saudi Arabia,JAZAN(Arabnews)- The Kingdom is fully capable of defending its land, securing its borders and repelling intruders, said a high-ranking Saudi official during a visit to the border zone where Yemeni rebels attacked Saudi Border Guards on Tuesday.

“It is our duty to deal with this rash and irresponsible action and put an end to this tragedy,” said Assistant Minister of Defense and Aviation Prince Khaled bin Sultan while addressing members of the armed forces and special security forces in Al-Khoba. The situation is under total control, he added.

Qarax ka dhacay Laascaanood oo uu ku dhintey taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka Somaliland

November 1, 2009 - 19:16

Laascaanood (garadag.org)- Qarax Xoog badan ayaa saaka barqadii gil-giley magaalada laas caanood ee Xarunta gobolka Sool.Qaraxan  ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka  Somaliland  ee ku sugan G/sool, sarkaalkan oo lagu magacaabi  Cismaan Yusuf.Waxaa kaloo qaraxan ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsan ciidanka qaranka.

Shan iyo toban wax oo aad u bahantahay in aad ka ogaato Daahir Riyaale - Warya TV

November 1, 2009 - 19:12

 Ma Ogtahay in Daahir Riyaale uu ahaa nin qaadwale ah (degle) markuu burburay kacaankii Maxamed Siyaad Barre oo aanu marnaba rumeysnayn wax la yidhaahdo Somaliland oo uu odhan jiray “waa mashruuc aan shaqaynayn Somaliland. Wax aynu ka wada tashanay maaha!”. Maanta oo uu madaxweyne ka yahayna wuxuu hubinayaa in wax Somaliland la yidhaahdo aanay shaqayn.

Wasaarada Difaaca ee Dalka Kenya oo sheegtey inay horjoogsatey Ciidamo ay Xukuumada Shariifku si khalada uga qoranaysey gudaha d

October 26, 2009 - 21:43

Kenya(Garadag.org)-Wasiirka Difaaca ee  dowladda Kenya XaaJi Yusuf  ayaa  shaaca ka qaaday  inay jiraan ciidamo loo qorayo dowlada Soomaaliya, taasoo uu ku  tilmaamay inay ahayd qalad ka dhacay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkii laga doonayay inay dalkooda Ciidamo kala yimaadaan si khalad ah gudaha dalka Kenya ka bilaabay inay ka ururiyaan  dhallinyaro Soomaali-kenyan ah ka dibna  diiwaan geliyaan iyagoo ku sheegaya Ciidamo Xukuumada Somaliya loo tababarayo.

Xisbiga KULMIYE oo xubin cusub mar labaad u magacaabay komishanka doorashooyinka

October 18, 2009 - 20:12

Hargeysa (Garadag.org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye  ayaa maanta xubin cusub u magacaabay Komishanka doorashooyinka Somaliland, ka dib markii Madaxweyne Madaxweyne Somaliland Daahir Riyaale Kaahin Mudo Sadex jeer ah Soo Celiyey Xubintii Xisbiga Kulmiye u soo dirtey Komishanka Doorashooyinka, iyadoo aanay jirin wax arin sharciya oo madaxweynaha awood u siinaysa arinta celinta Xubnaha.

Ciidammada Millatariga iyo Kuwa Badda Dawladda Sh. Shariif oo Isu Beddelay Budhcad

October 13, 2009 - 21:33

Muqdisho (Jam/W.Wararka)- Ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa shalay subax ku dhaqaaqay boob iyo dhac u ay kula kaceen hantida dadka rayidka ah ee deggan goobaha maamulkaasi ka taliyo ee magaalada Muqdisho.

Gaadhi nooca dagaalka ah oo galabta laga gubey Ciidamada Amison ee Muqdisho, kadib dagaal xoogan oo halkaa ka dhacay

October 13, 2009 - 21:20

Muqdisho(Garadag.org)-dagaalo culus oo Galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababaya Khasara xoogan oo Ciidanka AMISOM kasoo gaaray dagaalkaasi oo ahaa mid ka duwanaa dagaaladii hore.

Khasaara Xoogan ayaa Ciidanka Burundi kasoo gaadhay Dagaalka kadib markii Qori Baasuukaha lala beegsadey Gaadhi Dagaal oo ay wateen ciidamada Amison.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta Madaxa Banaan u sheegay in ay arkayeen Gaadhiga oo gubanaya iyo Dagaalyahano Islaamiyiin ah oo Madaafiic ku garaacaya Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Xulistii Xubnaha Komishanka doorashooyinka oo lasoo gebegebeeyey

October 8, 2009 - 00:46

Hargeysa(Garadag.org)- Xulista toddobada Xubnood ahaa ee buuxinayey Komishanka Cusub ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa la sheegay in la soo dhamaystiray, iyada oo isla maantana ay Golaha guurtidu soo magacaabeen labadii Xubnood ee u Horeeyay Komishanka Cusub. iyadoo dhinacyada kalena la filayo in ay wakhtiyada soosocda soo saaraan xubnaha ay soo magacaabayaan.

Jaaliyadaha debeda ee Magaalada Oog oo si weyn u taageeray baaqii gudida odayada

October 8, 2009 - 00:26

Dhamaan jaaliyadaha debedaha ee deegaanka OOG ayaa taageeray baaqii gudida odayada ee degmada OOg. Jaaliyadaha ayaa balanqaad iyo taageero buuxdaba ku sheegay shir dhinaca isgaadhsiinta ah(Teleconference) oo ay arbacadii  yeesheen.

Ciidamada Uganda oo sii daayay Indhacadde.

October 7, 2009 - 23:56

Kampala(garadag.org)-Ciidamada wadanka Uganda oo gelinkii dambe ee shalay xarig ugu geystay magaalada Kampala Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya ayaa xuriyaddiisa dib u siiyay.

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa arrinta lagu heystay lagu sheegay in ay aheyd shaki weyn oo ka dhashay qaabka uu kusoo gaaray magaalada Kampala.

Waxaa lasheegay in uu Kampala kusoo galay gaari uu kasoo raacay wadanka Kenya gaar ahaan Nairobi isaga oo aanan wax sharci ah wadaninna Kampala kusoo gaaray.

Syndicate content