The mission of this website is to give you the latest information from Somaliland in general and Garadag in particular.

Bannaanbax ballaadhan oo maanta ka dhacay magaalada Burco

September 13, 2009 - 23:44

Isu bax ballaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco, bannaan baxan oo lagu muujinaayo sida dadweynaha reer Burco uga soo horjeedaan xidhitaanka ay xukuumaddu xidhay Golaha Wakiilada iyo faragalinta joogtada ah ee xukuumadda Riyaale ku hayso Golaha Wakiilada, taasoo ay iska hortaagtay bay yidhaahdeen inay Golahii Wakiilada ee lasoo doortay ay gutaan xilkoodii distooriga ahaa. 

Waxaana markii danbe dadweynaha xarunta KULMIYE kala hadlay qaar katirsan madaxda xisbiga qaranka ee KULMIYE,  caaqilo, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada

Guddoomiyaha Guurtida oo Sheegay in Xukuumaddu Masuul ka Tahay Khasaaraha ka Dhashay Xidhitaanka Golaha Wakiillada

September 13, 2009 - 23:40

Hargeysa (Garadag.org)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa masuuliyada rabshadahii ka dhacay shalay magaalada Hargeysa iyo xidhitaankii Golaha Wakiilada u xambaariyey xukuumada Madaxweyne Rayaale.

Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo loo baajiyey tacsida khasaarihii dhacay

September 13, 2009 - 23:36

Shirgudoonka Wakiilada oo Masuuliyadda Rabashadihii Shalay ku Eedeeyey Madaxweyne Rayaale

Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo loo baajiyey tacsida khasaarihii dhacay

Hargeysa (Garadag.org)- Xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiilada, ayaa si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin inuu masuul ka yahay rabshadihii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dhaliyey ee shalay magaalada Hargeysa gilgilay.

Somaliland Parliament Under Presidential Assault

September 10, 2009 - 22:45

Written by Fowzi Kamal   

Sunday, 06 September 2009

According to Wikipedia Encyclopedia In government, Bicameralism (bi + Latin camera, chamber) is the practice of having two legislative or parliamentary chambers.

Ahmed Siilaanyo oo shacabka Somaliland ugu baaqay halgan dheer oo meesha lagaga saaro Daahir Riyaale

September 10, 2009 - 22:31

Hargeysa(GARADAG.ORG)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE X. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dareen walaaca ka muujiyay Mustaqbalka iyo Himilada Dalka, oo uu tilmaamay in Maamulka Madaxweyne Rayaale u horseeday dib u dhac iyo Dastuur jabin. Waxaanu shacbiga ugu Baaqay inay u Diyaar garoobaan Halgan Dheer oo Meesha lagaga Saarayo Madaxweyne Rayaale,

“Uma Dulqaadan Karo Mana Aqbali Karo In Goluhu Sii Xidhnaado, WaxaananKu Wargelinaynaa Dhamaan Mudanayaashii Golaha Wakiilada In

September 10, 2009 - 21:51

Hargeysa (GARADAG.ORG)- Warsaxaafadeedka uu soo saaray Gudoomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa shaaca ka qaaday in aanay u dulqaadan doonin in golaha wakiiladu sii xidhnaado isagoo ugu baaqay xildhibaanada Golahaasina inuu maalinta sabtida ah
uu furmi doono fadhigii golaha wakiilada isla markaana aanay jirin cid horistaagi kartaa.

“Xukuumadda ina Rayaale waa Hadhaagii Afweyne, Umanay Baran Dood iyo Dimoqraadiyad Talowadaag ku Dhisan”

September 6, 2009 - 21:54

 

Md. Baashe Cabdi Gaboobe, Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee Gobollada Galbeedka Somaliland

Hargeysa (Garadag.org)- Guddoomiyaha ololaha gobollada galbeedka Somaliland ee xisbiga KULMIYE Md. Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddu ilaa habeen hore abaabulaysay xisbiga UDUB, uguna talogashay inay u cago-jugleeyaan xildhibaannada xaq-u-dirirka ah ee Golaha Wakiillada.

Calanka iyo Koofiyadaha UDUB oo loo Xidhay Eyda waalan ee Wajaale joogta

September 2, 2009 - 23:57

= Magacyada qaar ka mid ah habeen tiro badan oo la xidh-xidhay

= Calanka iyo koofiyadaha UDUB oo loo xidhay eyda Wajaale

= Xafladdii labaad ee taageero-doonka Wasiirrada UDUB oo la raficiyey

= Masuuliyiin dhagax lagu dhaawacay

= Jawaabta Wasiirrada weji-gabaxa culus kala kulmay reer Wajaale

Xildhibaan Qabile oo Sheegay in Wasiirka Daakhiligu ku Kacay Edab-darrooyin uu Rayaale Raalli ka Yahay

September 2, 2009 - 23:54

“Rayaale wuxuu ku jiraa maalmihii u dambeeyey ee uu ka sibibixanayey xukunka, daqiiqadna in aan sharci ugu darayaa jirin wuu ogyahay”

“Jaahilka ayaa ugu dhiirran adduunka cid wax samaysa, waxana caddaatay jaahilnimada Daahir Rayaale haysaa inay tahay mid lafta iyo cadkaba ka dhaadhacday”

Shir-jaraa’id Md. Maxamed Faarax Qabile

Xildhibaanadii anshax-xumaaday oo si anshax daran loo geliyey xarunta wakiilada Somaliland

August 31, 2009 - 22:03

Hargeysa(Garadag.org)-Waxaa maanta(shalay) mar kale buuq iyo ceeb weyni ka dhacday xarunta wakiilada Somaliland,iyadoo 6-dii xildhibaan ee 24-kii bishan burburiyey agabkii xarunta wakiilada isla markaana cayda iyo aflagaadada u geystey qaar ka mid ah xildhibaanada ,ayaa  iyadoo la galbinayo xoog lagu geliyey xarunta wakiilada,taasoo  aan haba yaraatee wax ah tixgelin ah aan la siin shir-gudoonka golaha wakiilada.

Syndicate content