Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii uu hogaaminayey oo galabta soo gaadhay Hargeysa.
Submitted by Ahmednur on January 21, 2008 - 4:44pm.Hargeysa(Garadag.org)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dahir Riyaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa galabta ku soo laabtey dalka, kadib markuu soo dhamaytey Socdaal laba todobaad ah oo ku soo marey dalalka Ingriiska iyo Mareykanka.
Madaxweyne Riyaale oo shalay ka soo abmabaxay Caasimada dalka Mareykanka ee Washington, waxaa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey masuuliyiin farabadan oo ka kala socdey golayaasha qaranka iyo dadweyne farabadan.
Jen.Cade Muse oo gucle ugu jira Ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Puntland.
Submitted by Ahmednur on January 20, 2008 - 8:02pm.Garoowe(garadagnews), Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Jen. Cade Muse, ayaa codsadey Ciidamo shisheeye, ka dib markii ay Jeneralka la soo deristey xaalad Siyaasadeed oo adagi. Wararka ka imanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Cade Muse halgan ugu jiro Sidii ciidamo shisheeye loo keeni lahaa Puntland.
Ujeedada Ciidamadaas ayaa lagu micneeyey inuu kaga hortegayo Ciidamada Somaliland ee ku sii dhowaanaya dhinaca Xuduudaha Somaliland ay la leedahay Garoowe.
Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho,xili uu halkaa ku sugnaa Ra,salwaaraha Impagatti
Submitted by Ahmednur on January 20, 2008 - 6:25pm.Muqdisho.(garadagnews), Ra,isalwasaha Kooxda Impagatti Mr. Nur Xasan xuseen, ayaa maanta ku soo gurya noqdey magaalada Muqdisho oo aanu cagaha soo dhigin ilaa intii loo magacaabey Wasiirka Koowaad ee Kooxda Impagatti.
Ra,isalwasaare Nur Cade, ayaa la kulmay xaalad adag ka dib markii ay kooxaha ka soo horjeeda Xukuumadiisu weerar hoobiyayaal ah ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada(Villa Somaliya). Dagaalkan ayaa sida wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho sheegayaan aan weli la xaqiijin khasaaraha ay geyteen.
Madaxweyne Riyaale oo ku guuldareytey booqashadiisii dalka Mareykanka, kadib markuu qancin kari waayey Wasaarada Arimaha debeda
Submitted by Ahmednur on January 19, 2008 - 12:47pm.Washigton(garadag), Waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, ee booqashada ku joogey Magaalada Madaxda dalka Mareykanka, ayaa gebi ahaanb ku guul-dareystey Socdaalkoodii iyo arimihii ay u socdeen, kadib markii Sida la sheegay uu Madaxweynaha Somaliland ku guuldareystey inuu qanciyo Wasaarada Arimaha Debeda (state department) ee Mareykanka.
Dawlada Mareykan ayaa beryahan wadey qorshe ay ku raadinayso, sidii ay Somaliland ula yeelan lahayd iskaashi, sida uu sheegay xoghayaha Gaashaandhiga Mareykunka mudo bil laga joogo.
Mudaharaad lagu taageerayo gooni isu taaga Somaliland oo ka dhacay Degmada Garadag
Submitted by Ahmednur on January 17, 2008 - 12:17pm.Garadag, Somaliland(garadagnews), Muaharaad balaadhan oo lagu taageerayo gooni isu taaga Somaliland ayaa maanta ka dhacay Degmada Garadag ee Gobolka Sanaag.
Waxaa halkaa isugu soo baxay Dadweyne farabadan oo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin Somaliland way jireysaa weligeedna way jiri jirtey, Cidina ma gil-gili karto iyo Somaliland waxay ku timi halgan dheer loo hurey naf iyo maalba.
Mudaharaad lagu taageerayo gooni isu taaga Somaliland oo ka dhacay Laascaanood
Submitted by Ahmednur on January 17, 2008 - 12:04pm.Somaliland(garadagnews). Maanta oo ahayd maalintii loo asteeyey Mudaharaadyo ka dhaca dalka oo dhan, ayaa muwaadiniinta Somaliland ka sameeyeeen gebi ahaan gobolada dalka isu soo baxyo balaadhan oo lagu taageerayo gooni isutaaga Somaliland.
"Ahmed Siilaanyo, waa ninkii maalintay inoogu adkayd, inuuguna foosha xumayd aynu ku dhaadanayney"Cabdilaahi Jawaan.
Submitted by Ahmednur on January 17, 2008 - 1:01am.London(Geeska Africa)-" Ahmed Xuseen Ciise waa nin muwaadin ah oo aqoon yahan ah, waa saaxiibkay mana lihi kursiga ma geyo laakiin waqtigeedii lama gaadhin, waqtigii ololana lama joogo." Sidaa waxaa yidhi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(jawaan) oo ka tirsanaan jirey Komishankii dooroshooyinka ee waqtigoodii dhamaaday, hadana wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Kulmiye, maruu u waramayey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews isagoo jooga magaalada London.
Parlamaanka Kenya oo ay Gudoomiyihii iyo ku xigeenkiiba Mucaaradku yeesheen.
Submitted by Ahmednur on January 15, 2008 - 11:49pm.Nairobi(Garadag.org). Golihii Wakiilada ee dhawaan laga soo doortey gobolada Dalka Kenya, ayaa maanta fadhigoodii ugu horeeyey yeeshay. Madasha golaha oo ahayd meel aad loo adkeeyey amaankeeda, ayaa waxaa ka soo xaadirey 207 mudane oo isugu jira mucaarad iyo muxaafadba.
Fadhigan golaha Wakiilada cusub ay yeesheen, ayaa ujeedadiisu ahayd inay goluhu ku doortaan Shirgudoon hogaamiya golaha wakiilada cusub ee Kenya.
Golaha Wasiirada ee Somaliland ayaa ku taliyey Banaan-bax kadhaca dalka oo dhan.
Submitted by Ahmednur on January 14, 2008 - 11:36pm.Hargeysa(Garadag.org). Golaha wasiirada Somaliland, ayaa fadhigoodii todobaadlaha ee ay yeelan jireen maalinta Isniinta, ku go,aamiyey in dalka oo dhan laga qabto banaan-bax lagu taageerayo gooni isu taaga Somaliland.
Madexweyne ku xigeenka Somaliland oo shirkaa gudoominayey ayaa magacaabay gudi qaban-qaabo oo uu horkacayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr. Ahmed X. Dahir.
Magacyada Maxaabiista Dagaalkii tuulada Dhabansaar ee gobolka Sool.
Submitted by Ahmednur on January 14, 2008 - 10:21am.Burco(garadag.org), Ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha gobolka Sool, ayaa dagaal ku qaadey tuulada Dhabansaar oo qiyaastii 70km koonfur kaga beegan magaalada Laascaanood, ka dib markay ka warheleen in Maleeshiyooyin Puntland soo abaabushay halkaa ku sugan yihiin.
Dagaal halkaa ka socdey mudayar ayaa ciidamada Somaliland oo ah Ciidan aad u diyaarsan, ayey u suurta gashay inay la wareegaan gacan ku haynta Saldhigaas.
Wararka Somalia ee BBC-da
- 10 qof ayaa dhimatay Mudisho, 30 kalena waa dhaawac
- Hala siiyo qaxootiga Soomaalida magangalyo
- Xisbiga Kulmiye oo diidan mudo kordhinta guurtida iyo wakiilada
- Masar 3 - 0 Soomaaliya
- Ilaa 230 ayaa dhintay laba toddobaad
- Guurtida iyo Wakiilada oo wakhtiga loo kordhiyay
- Khilaafka Sharmarke iyo Shariif
- Ciidamo dowladda ah oo gadooday
- Guurtida iyo Wakiilada oo wakhtigoodu dhammaanayo
- Tonny Blair oo ka hadlay islaamiyiinta xagjirka ah, Somalia iyo Yemen
- Muqdisho oo la isku ciidan uruursanayo
- Sawirro magaalada Jigjiga
- Falanqaynta
- dad lagaga shakiyey shabab oo Burco lagu xiray
- Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisal-Wasaaraha ee Dastuurka cusub
