The mission of this website is to give you the latest information from Somaliland in general and Garadag in particular.

Madaxweyne Riyaale oo markale Geesaxuntiisa ku weeraray Xaruntii golaha Sharci dejinta Somaliland

August 30, 2009 - 22:22

Hargeysa(garadag.org)- Xukuumad Riyaale  ayaa mar kale maanta Ciidamo Boolis iyo geesaxun ah oo tiro badan gadaamay  Xarunta Baarlamaanka, kuwaas  rasaas nool u adeegsaday dadweyne aad u tiro badan oo halkaa isugu soo baxay.

Xarumihii Labada gole oo Riyaale goob Ciidan u bedelay iyo argagaxii Mudanayaasha sharci dejinta

August 16, 2009 - 00:49

Hargeysa(garadag.org)-Ciidamo Bilays ah  oo argagax geliyey dweynaha Somaliland ee caasimada degan ayaa maanta si weyn u soo  dhoobtay gudaha iyo dibadda xarunta labada Gole.

Fadeexado Culus oo ka soo Ifbaxay Ololaha UDUB Doorashada ku Keliyeysatay

August 16, 2009 - 00:40

Booliska oo toos loogu adeegsaday ololaha, haweenay saaxiib la ah Huda oo xabsiga dhigtay weriye iyo qisadii dhagaxtuurka UDUB

“Naayaadaheen; ha i sheegina waxaan odhanayaa waan kufaye, waayo haddii odaygaygu ogaado inaan ololaha UDUB ku dhaawacmay guriga ayuu iga saarayaa”

Mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaawacmay ololaha UDUB

Ma Dhabaa Inuu Rayaale U Magacaabayo Wasiir Cusub Wasaarada Khaarajiga?

August 16, 2009 - 00:32

Hargeysa (garadag.org) – Waxa soo baxaya warar la isla dhex marayey maalmahan oo sheegayey in wasiirka arimaha dibadeda Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale laga qaadi doono xilka uu hadda hayo oo loo bedeli doono wasaarada warfaafinta ee uu wasiirka ka ahaa, ka hor intii aanu Madaxweyne Rayaale u magacaabin wasiirka arimaha dibeda sanadkii 2006.

 

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo magacaabay guddi-wadajir ah oo ka kooban labada Xisbi

August 16, 2009 - 00:06

Hargeysa (garadag.org)- Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID ayaa maanta ku dhawaaqay guddi wada-jir ah oo midaysan , kuwaas oo ka hawl-geli doona sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah.

 

Marxuum Cali-Maarshaal oo si heer Qaran ah loogu aasay Hargeysa

August 7, 2009 - 20:52

Hargeysa (Garadag.org)-Madaxii Ololaha Gobollada Galbeedka Somaliland ee Xisbiga Kulmiye Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Marshaal) ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada Kulmiye, UDUB iyo UCID, Shirguddoonka Baarlamaanka, Xukuumadda, Salaadiin, Culima’udiin iyo boqollaal dadweyne ah, ayaa maanta ka dhacay Xabaalaha Boqol JIre ee Magaalada Hargeysa.

Xoghayaha Arrimaha ee Kulmiye Dr. Maxamed C. Cumar ayaa la kulmay Waaxda Arimaha Debeda ee Mareynkanka

August 1, 2009 - 22:35

WashingtonGaradag.org)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,oo booqasho hawlood ku yimi magaalada Washington ayaa shalay 30 kii July kulan kula yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi. Kulankani wuxuu qayb ka ahaa hawlgallada diblomaasiyadeed ee xisbiga KULMIYE ku adkaynayo xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka gaar ahaan dalka Maraykan, ka dib markii ay soo baxeen dareemo muujinaya in xidhiidhkii Somaliland la lahayd Maraykanka uu hoos u dhacay.

Congressman Donald Payne,oo la kulmay Xoghayaha arimaha debeda Kulmiye DR. Mahamed c Cumar

July 28, 2009 - 00:33

 Washington DC(garadag.org)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu martiqaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland.

Dhaq-dhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo doorashada Soo socota oo laga dareemayo deegaanada Garadag iyo OOg

July 27, 2009 - 23:04

Sool(Garadag.org)-dhaq-dhaqaaqyo aad u culus ayaa maalmahan laga dareemayaa deegaanada hoostaga degmada Garadag iyo deegaanka Oog oo ka tirsan degmada Caynaba ee gobolka Sool.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa la sheegay inay wadaan taageerayaasha Xisbiga weyn ee Kulmiye oo sida la sheegay  aad ugu badan deegaanadaas.

Dadka deegaanadaas  ayaa walaac weyn ka muujiyey dibudhac danbe oo ku yimaada doorashada  Somaliland. Waxay sheegeen in Xukuumadan hada jirta wax qabadkeedii la arkay isla markaana ayna sinaba u dhici karin inay mar danbe Xukunka ku soo noqdaan.

Ergo Ka Socota Qaadhaan Bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Soo Gaadhay, kuna Adkaystey in labedelo laba Xunbnood oo Komishanka ka

July 25, 2009 - 00:02

Hargeysa(Garadag)-Laba xubnood oo ka socda safaarada ee ingiriiska ee Nairobi oo shalay soo gaadhay hargeysa ayaa kulamo goonigooni ah waxa ay la yeesheen Komishanka doorashooyinka iyo saddexdda xisbi siyaasadeed ee Somaliland.

Syndicate content