The mission of this website is to give you the latest information from Somaliland in general and Garadag in particular.

Maxkamada gobolka Hargeysa oo dedefeysey dacwadii xeer ilaalintu ku soo oogtey weriyayaashii Horyaal Radio

July 21, 2009 - 23:15

Hargeysa(Garadag.org)-Garsoorka Qaadayay Dacwada Suxufiyiinta Radio Horyaal ayaa maanta dib ugu celiyay xeer-ilaalinta Qaranka eedii ay ku soo oogtay, waxaanu ku war-geliyay inay soo waafajiyaan xeerka Saxaafada eedayntooda iyo dacwada loo haysto.

Deeqbixiyayaasha Oo Dib Ula Noqonaya Dhaqaalihii Ay U Hayeen Doorashada Madaxtooyada, Kadib Markii Ay Ka Quusteen In Wax Laga Be

July 16, 2009 - 01:38

Hargeysa, July 15, 2009 (GARADAG.ORG) Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka taageera geedi socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Ayaa sheegay inay joojiyeen dhamaan hawlihii ay Somaliland  ka taakulaynayn jireen ka dib markii sida ay sheegeen waxba laga qaban waayey in wax laga bedel xubnaha Komishanka Badhkood, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay ku lug leeyihiin Musuqmaasuq iyo Karti daro dhinaca hogaaminta hawlaha Komishanka.

Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go’aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha

July 16, 2009 - 01:28

Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go’aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, go’aankaasi wuxuu u dhignaa sidan:

 

 

Ku: Deeq-bixiyayaasha         =Hargeysa=

 

Ku: Komishanka Doorashooyinka Qaranka    =Hargeysa=

 

Og: Hay’ada INterpeace      =Hargeysa=

 

Og: Xisbiga UCID               =Hargeysa=

 

Mudaharaado lagu taageerayo Somalia oo ka dhacay Magaalada Boorame

Mudaharaado lagu taageerayo Somalia oo ka dhacay Magaalada Boorame

Boorame(Garadag.org)-Boqolaal dad ah oo Cadhaysan ayaa isagu soo baxay badhtamaha Magaalada Boorame. Dadkan mudaharaadayey ayaa  dhamaantood waxay ruxayeen madaxana ku duubteen Calankii Buluuga ahaa ee Somalia. Dadkan mudaharaadayey oo  ka cabanayey dad la sheegay in lagu laayey jiida u dhaxaysa Boorame iyo Gabiley.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Qiray Musuqmaasuq ku Baahay Guud ahaan Dalka

July 6, 2009 - 21:34

“Dalkii waxa looga wada cararay intii ka soo aflaxday Afweyne, markaa musuqmaasuqu meel walba wuu ka jiraa, kumana koobna oo keliya inta xafiisyada fadhida oo qudha ee xataa shacabka ayaa kula jira”

“Beddellaadda xubnaha Komishanku waxay qaadanaysaa ugu yaraan sannad kale oo dib-u-dhac ku ah doorashada”

Waraysi Xiiso badan – Md. Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa qiray in musuqmaasuq baahsan hadheeyey guud ahaan hay’adaha dakhliga dalka iyo dadweynaha reer Somaliland.

Riyaalow hadaad si wanaagsan u tegi weydid si Xun ayaad u tegi doontaa

Riyaalow hadaad si wanaagsan u tegi weydid si Xun ayaad u tegi doontaa

 Opinion

Waxa Somalidu ku Maah-maahdaa hunguri wed ma arko. Waxaa wax lala yaabo ah in Riyaale oo cirka iyo dhulkaba umadu ka nacdey inuu mar labaad uu doonayo inuu boobo Vote-kooda. umadu si sharaf leh ayey kuu dooratey iyagoo og sidaaad ku timid iyo waxaad ahaan jirtey.

Mar-marsiinyaha Xubinta komishanka+Isku dhaca deeqbixiyayaasha ee Riyaale=Mar afraad iyo Kordhin

July 3, 2009 - 22:10

Hargaysa (Garadag.org)- Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inay isku dhaceen Deeqbixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka, kadib markii uu  Madaxwaynuhu ku wargeliyay in ay la kulmaan xubno Wasiiro ah.

African leaders discuss new mandate for Somali force

July 3, 2009 - 21:59

SIRTE, Libya (Reuters) - African leaders will consider a resolution Friday to give African Union peacekeepers in Somalia a mandate to do more than just defend themselves from attacks by hardline rebels.

At the moment, the 4,300 troops from Uganda and Burundi in the AMISOM are largely confined to their bases and protect key sites such as the presidential palace, airport and seaport.

Afhayeenka Alshababaab oo ku eedeeyey Ciidamada AMISOM inay ka qayb qaateen Dagaalada dhinaca Lugta ah ee ay dawlada Shariifka

July 3, 2009 - 21:27

"Ciidamada Amison Waxay ka qayb qaateen dagaalada dhinaca Lugta ah ee lagula jiro Dawlada, Waxay la kulmi doonaan Xasuuq iyo Dhirbaaxooyin Kulul"sidaa waxaa yidhi Afhayeenka Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo sheegay inuu ka cadhoodey falkii Madaxda Kulmiye Garoonka loogu diidey

July 3, 2009 - 21:06

Hargeysa(Garadag.org):-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin ayaa sheegay inuu aad uga Xumaadey  talaabadii ay ciidanka Boolisku iskaga hortaageen in masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE gudaha garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga Weyn ee  KULMIYE Mujaahid:Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo].

Madaxweyne Kuxigeenku waxa uu xusay inuu la hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska markii la soo sheegay arrintaas, balse aanu ogayn sida ay wax u dhaceen, isagoo ku farta ku fiiqay inuu aad uga xunyahay.

Syndicate content