Reer Garadag hurdada haka kaceen

Waad Salaaman tihiin. Marka hore waxaan salaamayaa admistration-ka city of Garadag, marka labaad waxaan doonayaa in aan ra'yigeega ka dhiibto xaalada  strateeiiyadeed  ee Degmada Garadag. Waa degmo kamid ah degmooyika dalka kuwa ugu waaweyn, isla markaana leh stratigic fiican iyo papulation badan, kuwaas ah dad aad ugu hore marsan dhinaca  tacliinta, lakiin maanta waxaa jirta dadka tacliintaa leh ee reer garadag in aanay ka muuqan shaashada siyaasada Siiba tan  asxaabta qaranka.

 Iyadoo weliba Dadka deegaanka Garadag lagu tiriyo inay yihiin majority. ayaa hadana waxaa nasiib daro ah inay mar kasta ku hungoobaan dhinaca siyaasada. iyadoo weliba ay u badan yihiin dhinaca mucaaradka siiba Xisbiga weyn ee Kulmiye.

Waxaan kaloo la yaabay shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo aanay ka qayb gelin dad leh nufuud siyaasadeed amaba lagaranayo, taasina waxay sababtey inagoo 100% Kulmiye ah inaynaan hadana Golihii dhexe ee Xisbiga waxweyn ka helin. Taasoo aan anigu u qaatey inay waaya aragnimo la,aani inagu dhacdey,

 

Taasi waxay sumcad daro ku tahay magaca Dagmadeena, waayo? Dagma kasta dadkeeda ayaa wax kadhiga, hadeey dadkeedu noqdaan kuwu aan feejignayn oo tala ka dhaxayn oo siyaasadu meeshay mareyso la socon dee dadkaasi ma  muuqdaan  Deegaankooda ama Degmadoodu waxay ka mid noqdaan  dagmooyinka  diciifka ah, markaas waxaan leeyahay reer garadagoo muuqda oo waliba ka muuqda maqaamada siyaasada ee haatan kajir dalka,

Waxaan ku soo koobayaa hadalkeeyga Maanta Garadag waxay u baahantahay in hore loo mariyo maal gashi na lagu sameeyo markaa qofkasta oo reer garadag ah waxaan u sheegayaa in uu u tafaxayto  sidii Degmada hore loogu marin laha xaga dhaqaale, waa in qofkasta oo aqoonyahan ah ka fakaro sideen maalgalin ugu sameeynaa degmadeena

 

thanks Idil Saleebaan Ahmed (Fadlan emailkaaga Soo raaci)

Hargeysa, Somaliland