Taariikh Nololeedkii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali(Tuke)
Taariikh Nololeedkii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali(Tuke: "Intay doonto ha qaadato, maalin baa iman doonta Somaaliland laga aqoonsado oo looga dabaal dego daafaha dunida oo dhan, waxaynu u baahanahy inaynu la nimaadno, dawlad wanaag, dimuqraadiyad, cadaalad, iyo adkaysi" Waa erayadii aan afkiisaa ka maqlo ma"Intay doonto ha qaadato, maalin baa iman
doonta Somaaliland laga aqoonsado oo looga dabaal dego daafaha dunida
oo dhan, waxaynu u baahanahy inaynu la nimaadno, dawlad wanaag,
dimuqraadiyad, cadaalad, iyo adkaysi"
Waa erayadii aan afkiisaa ka maqlo markii muuqiisa iigu dambeysay.
Xildhibaan Yusuf Aw-Maxamed Cali-Xayd (Tuke) wuxu ahaa halgamaa,
aqoonyahan iyo indheer garad bislaaday oo qaranka Somaliland aanu
hilmaami doonin. Wuxu ahaa geesi ku sifoobay hawl kar nimo, hal adayg,
daacadnimo, deeqsinimo iyo han durugsan. Wuxu ka mid ahaa
aqoonyahanadii la kowsday dhidibada-na u taagey halgankii qadhaadhaa ee
lagu hantiyey dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee dhiiga
badani ku daatay.
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf -Tuke 11/11/08 maalintii
taladaada ahayd ayuu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka
degmada Waridaad ee gobol Saraar isago ku guda jira hawl qaran. Waxana
marxuumka maanta November 12-dii 2008 oo Arbaca ah aas qaran iyo baroor
diiq loogu sameeyey magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Sida ay
ii sheegeen dad goob joog ahi waxa aaska marxuumka iyagoo ka
tiiraanyeysan ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay'adaha
dawliga ah sida Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed
Maxamud(Siilaanyo) iyo madaxda sare ee xibigaas, Gudoomiyaha golaha
wakiilada C/ramaan Cirro, gudoomiyaha golaha guurtida Sulayman Maxamuud
Aadan(Gaal), Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-Waraabe, wasiirka
arimmaha debadda C/llahi Maxamed X. Ducaale iyo madax kale waxa kale
aaska marxuumka kasoo qayb galay kumanyaal dadweyne ah oo ka kala yimi
dalka gudihiisa iyo debadiisaba. Qof kasta oo maqla geerida Mujaahid
xildhibaan Yuusuf-Tuke waxay ku abuurtay argagax iyo murugo, balse waxa
qof kastaa isku qanciyey inay geeridu xaq tahay oo qof walba hurantahay.
Hubaal waxa ah oo aan ka cudur daaranayaa inaanay suurto gal ahayn
in maalin iyo labo toona lagu soo koobo macluumaadkii iyo sooyaalkii
taariikeed ee Muj. Xildhibaan Yusuf Maxamed Cali(Tuke) Sidoo kale bogag
xadidan laguma soo koobi karo sooyaalkii taarikheed ee marxuumku lahaa.
Laakiin waxaan halkan idiinku soo gud-binayaa intii ilaa hadda ii
suurtagashay inaan soo ururiyo, macluumaadkaas oo qaybo ka mid ah aan
waydiiyey shakhsiyaadkii ay marxuum Yuusuf aadka isugu dhowaayeen,
macluumdka qaarkoodna waa wixii aan ka xasuusto intii aan aqaanay
Mujaahid Tuke. Haddi aad markaa tebtaan in badan oo taariikhda Tuke ee
aan la koobi karin ka maqan ha la'ii dulqaato.
Alle ha u naxariistee Mujaahid Xildhibaan Yuusuf Aw-Maxamed
Cali-Xayd(Tuke) wuxu kasoo jeedaa qoys ehlu diin ah oo aad looga yaqaan
gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool. Wuxu bishii July 23-keedii sanaddii
1951-kii ku dhashay degmada Garadag ee gobolka Sanaag. Yaraantiisii
wuxu ku barbaaray degmada Garadag.
1958kii ayuu galay malcaamada degmada Garadag. 1959-kiina wuxu
bilaabay waxbarashada dugsiga hoose ee degmada Garadag taas oo uu
dhamaystay sanadkii 1962kii. Ka dibna wuxu 1963-kii u wareegay dugsigii
dhexe ee Dayaxa oo uu dhamaystay sanadkii 1966-kii. Marxuumku wuxu
waxbarashadii sare ku dhamaystay dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee
magaalada Hargeysa sanadihii 1966-kii-1970-kii.
Dhamaadkii 1970kii ayuu marxuumku tababar macalinimo oo lix bilood
ah (intensive course) kaga qayb galay kulliyadii waxbarashada ee
Lafoole. Muddo labo sano ku dhow ayuu macalin nimo ku soo shaqeeyey
kadibna wuxu 1973kii bilaabay kuliyaddii waxbarashada ee Lafoole isagoo
ku takhasusay cilmiga xisaabta wuxuna Lafoole dhamaystay sanadkii
1976kii. Dhamaadkii 1976-kii ilaa dhamaadkii 1978-kii wuxu macalin ka
noqday dugsiga sare ee Banaadir ee magaalda Muqdishu sidoo kale is la
sanadahaas wuxu part time- ahaan ugu shaqayn jiray idaacadii radio
Muqdisho isagoo u turjumi jiray wararka luqadda ingiriisi-ga kaga baxa
idaacadaha caalamiga ah. Wixii ka dambeeyey 1978-ki ilaa badhtamihii
1981-kii wuxu madax ka noqday qaybta protocol-ka ee xafiiskii
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somalia Gen. Ismail Ali Abokor.
Badhtamihii sanadkii 1981-kii ayaa wefti uu mrxuumku ku jiray loo
diray Geneva. Ka dib markii marxuumku arkay dilkii, tacadigii,
xaqdaradii, dulmigii, cabudhintii, xadhigii iyo dhibaatadii isa soo
taraysey ee lagula kacayey shacbigii iyo madaxdii kasoo jeeday
Somaliland ayaa dareenkii feejignaa iyo geesinimadii Muj. Yuusuf
go'aansatay inaanu kasii mid noqon dibna ugu laaban taliskii macaggaga
ahaa ee xalaashaday kuna mamay maalka iyo dhiiga dadka iyo dalka
Somaliland ee uu marxuumku kasoo jeeday. Ka dib marxuumku wuxu tegay
dalka boqortooyada Sucuudi Arebia oo uu magan gelyo siyaasadeed
waydiistay wuxuna Sucuudiga ku noolaa ilaa sanadkii 1983-kii wuxuna
intii uu Suciidiga joogay qayb wax ku ool ah ka qaatay abaabulkii iyo
aasaaskii dhidibada loogu taagay ururkii Dhaqdhaqaaqa wadaniga
Somaliland SNM. Sanadihii 1983-1984 waxa marxuumku jaamacad ka galay
magaalada Liverpool ee cariga Ingiriiska halkaas oo uu ka qaatay
diblooma dhinaca maamulka ah. Dhamaadkii 1984-kii waxa marxuumku usoo
wareegay magaalada London wuxuna wax kaa aasaasay madax-na ka noqday
urur u dooda xuquuqda dadka waaweyn oo la yidhaahdo Age Concern kuna
yaalay London. Isla Sanadkaas ayaa loo magacaabay afhayeenkii Ururka
SNM qaybtiisa London wuxuna qayb wayn ka qaatay inuu siyaasadihii
qalafsanaa ee dawladdii digtaa tooriga ahayd xidida u siibo kuna
fashiliyo wadanka Ingiriiska ee uu ku noolaa.
Muddo ka dib waxa Muj. Xildhibaan Yuusuf ku adkaatay inuu isku wado
shaqadiisii gaarka ahayd iyo hawlihii uu hayey Ururkii SNM, wuxuna
go'aansaday inuu faraha ka qaado shaqadiisii gaarka ahayd una banbaxo
oo u go'doomo hawlihii halganka. Waxa 1986kii Marxuumku noqday
afhayeenkii guud ee ururkii SNM wuxuna jagadaas hayey ilaa 1989kii.
Sanadkii 1990kii markii Ururka SNM shirka ku qabsaday Baligubadle ee
lagu doortay hogaankii Muj. C/raxmaan Axmed Cali(TUUR) waxa marxuumku
xubin ka noqday golihii dhexe ee ururkii SNM isla mar ahaantaana waxa
loo magaacabay xoghayihii ama wasiirkii ganacsiga jagadaas oo uu hayey
tan iyo markii ay Ururka SNM gacanta ku dhigeen ee ay xoreeyeen gebi
ahaanba gobolada Somaliland. Markii dalka SNM xoraysay wuxu marxuum
Xildhibaan Yuusuf door lama ilaawana ka qaatay shirarkii nabadaynta ee
u dhexeeyey beelihii SNM taageeri jiray iyo beelaha kale ee dega
Somaliland sida shirkii Berbera iyo Yagoori.
1991-kii wuxu ka qayb qaatay shirkii aayo ka tashiga beelaha
Somalilnd ee lagu qabtay magaala Burco halkaas oo lagu go'aamiyey dib
ula soo noqshoda Somaliland ee luntay markii marxuumku ahaa 9 jirka.
Markii la dhisay dawladii ugu horaysay ee Somaliland ee madaxweynaha ka
noqday C/raxman Axmed Cali waxa Muj. xildh. Yuusf-Tuke loo magacaabay
wasiirkii madaxtooyada Somalilad jagadaas oo uu hayey ilamaa
badhtamihii 1992kii. Dhamaadkii 1992kii waxa marxuumku hormuud ka ahaa
qayb libaaxna ka qaatay shirkii nabadaynta beelaha danwadaag Bari ee
H/Jeclo iyo Dhulbahante oo ka dhacay deg mada Garadag oo marxuumku
dhalasho ahaan kasoo jeedo.
Sanadkii 1993-kii waxa marxuumku ka qayb galay shirwaynihii labaad
ee aaya ka tashiga beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Boorame
laguna soo dhisay dawladii uu madaxda ka ahaa marxuum Maxamed X.
Ibraahim Cigaal. Inkastoo oo aanu marxuumku wax xil ah ka qaban
dawladii Cigaal hadana marnaba kama nasan hawlaha qaranka lagu hor
marinayo wuxuna dhamaadkii 1993-kii ilaa horaantii 1994kii ka qab galay
shirkii Ceerigaabo ee lagu heshiisiinayey beelaha wada dega gobolka
Sanaag. Sanadihii 1995-1996kii wuxu door laba lama ilaawaan ah ka
qaatay dadaaladii lagu soo afjaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka
dhacay. Markii la furay nidaamka axsaabta badan ee dastuurkeenu
jideeyey Muj. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali(Tuke) wuxu ka mid ahaa
asaasayaashii xisbigii ASAD ee uu Suleiman-Gaal madaxda ka ahaan,
markii xisbiga Asad uu ku hadhay doorashooyinkii degaanka, marxuumku
wuxu ka mid ahaa garabkii xisbiga ASAD ee ku bii xisbiga talada haya ee
UDUB. Hase yeeshee marxuumku kuma raagin xisbiga UDUB ka dib markii uu
udkaysan waayey nidaamka qalafsan ee uu madaxweyne Riyaale wax ku
maamulayey. Marxuumku wuxu ka dib 2005 ku biiray Xisbiga mucaaradka ee
Kulmiye. Markii la qabtay doorashooyinkii golaha wakiilada isla
sanadkaas, alle ha u naxariistee marxuumku wuxu ka mid noqday 82kii--
murshax ee xisbiga Kulmiye u soo xulay inay ka qayb qaataan tartakii
loo gelayey aqalka wakiilada isagaoo ka sharaxnaa gobolka Sanaag.
Natiijadii doorashadana alle ha u naxariistee waxa marxuumku ka mid
noqday 28kii mudane ee xisbiga Kulmiye ku guulaystay isagoo marxuumku
gobolka Sanaag ka helay codadkii ugu aqlabiyadda badnaa.
Markii la sameeyey gudiyadii golaha wakiilada, alle ha u naxriistee
marxuumku wuxu gudoomiye u noqday waaxda arimaha debadda, jagadaas oo
uu ilaa hadda hayey. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waxa uu ka
mid ahaa oo uu hogaaminayey xildhibaanadii ka koobnaa saddexda xisbi
qaran ee hawsha shaqo ku yimi bishii march ee 2008 guriga baarlamaanka
wadanka Ingiriiska, isagoo isla bishaas aakhirkeediina booqasho shaqo
ku tegay wadanka Norway, halkaana uu kula kulmay madax ka tirsan
wadanka Norway iyo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Norway.
Dadka aadka u yiqiin shakhsiyada Xildhibaan Yuusuf waxay ku
tilmaamaan inuu ahaa nin geesi ah, hal adag, deeqsi ah, bulshaawi ah oo
had iyo goor faraxsan. Wuxu ahaa nin aan xaqiiqada ka gaban hadday mur
ka qadhaadhahay. Alle ha naxriistee Xildhibaan Yuusuf wuxu ahaa nin
naxariis badan oo dadka ay is yaqaaneen iyo eheladiisuba aad u
jeclaayeen. Marxuumku wuxu ifka kaga tegay 5 caruur ah laba wiil iyo
saddex gabdhood iyo xaas.
Walow uu maanta xijaabtay nagana hooseeyo, haddana sooyaalka
taariikhda dahabiga ah iyo wadaniyaddii Muj. Xildhibaan Yuusuf
Aw-maxamed Cali-Xayd waa mid aan jiilka jiilkiisa la ilaawi doonin oo
intii noolba la nool. Ilaahay naxariistiisa janno hakaa waraabiyo,
qabrigana ha kuu nuuro anaga samir iyo iimaan ha naga kaa siiyo
Abdillahi H. Bullaale Ali (abullaale@yahoo.com)
Sent: Thu 11/13/08 8:47 AM
»
