BAADI NIMAAN LAHAYN BAY AG JOOGTA

Marka aad u fiirsato axsaabta qaranka jamhuuriyada Somaliland KULMIYE , UDUB IYO UCID ayaad mooda in ay ka siman yihiin mawqifka guud iyo horumarinta Somaliland mid kasta markaad eegto dastuurkiisa waxa ku qoran xisbi hebel wuxuu horumarinaya dalka iyo dadka Somaliland, hadana waxay ku kala duwan yihiin oo aan midna midka kale uga eekeyn ku dhaqanka dimuqraadiyada oo aad moodo in ay qaarkood kelitalisnimo ka muuqato marka aad eegto arimaha ay ka mid yihiin waxka bedelka iyo wax kusoo kordhintaba, habada aniga oo mid mid si kooban waxaan ka arkay aragtidayda ugu cabiraya aan ku horeeyo xisbiga mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE

XISBIGA KULMIYE

Xisbiga kulmiye oo ah xisbigii ugu da’da yaraa axsaabta waxaa la aas aasay dhowr bilood ka hor doorashadii golaha deegaanka ee 2002 ayaa iminka loo diyaar garoobayaa shirweynihii labaad, xisbiga dhexdiisa waxaa ka muuqda oo laga dareemaya loolan siyaasadeed iyo dimuqraadiyad aan xisbiyada kale ee qaranka ka jirin muwaadiniinta Somaliland iyo dadka daneeya arimaha Somaliland ayaa dhamaantood u xiisaynaya doorashada xisbiga si ka daran doorashada wadanka ee fooda inagu soo haysa, Inta badan waxaa warfideenada iyo dadka siyaasada falanqeeyaaba aaminsan yihiin in hogaanka xisbigu doorto uu ku guulaysan doono doorashooyinka inagu soo socda.

Xisbiga kulmiye ayaa ka kooban dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin aqoon yahano, mujaahidiin, dhalinyaro culima awdiin ururada haweenka iyo rag badan oo rug cadaa ah oo siyaasada in badan kusoo jiray, hadaba marar badan oo madaxda xisbiga laga waraystay shirka ayaa waxay sheegeen in dimuqraadiyada laga bilaabo xisbiga dhexdiisa sidaa awgeed uu tartanka iyo loolanka siyaasaduba xisbiga gudihiisa ka furan yahay oo qof kasta oo damac kaga jiraa uu is sharixi karo doorashaduna ay noqon doonto doorasho xorra oo xalaal ah (free and fair Election)oo gacmaha laysku qabsan doono qofka kusoo baxana lagu taageeri doono si bilaa turxaan ah.

Goloyaasha iyo Hogaanka xisbiga kulmiye ayaa iyagu u midaysan mawqifka iyo mabaadiida xisbiga loo aas aasay waxa kaloo iyaduna meesha taal xisbiga kulmiye maaha dad uu xil isku hayo dad mushahar isku hayo dad xukuumadi isku haysotoona waa dad ka siman oo ku midoobay mawqif iyo mabaa’di siyaasadeed waa Dad la odhan karo waxay u midoobeen waxqabadka wadanka iyo ka midho dhalintada xisbigooda

Xisbiga kulmiye wuxuu si kalsooni ah oo geesinimo leh ku taageeray urur siyaasadeedka sharciyadiisa dawladu diiday ee QARAN, halka ay xisbiyada kale ee UCID iyo UDUB ku gacansaydheen iyaga oo uga baqaya in uu wiiqo ama meesha ka saaro awoodooda xisbnimo iyo taageerada tirada yare ee ay ku leeyihin bulshada dhexdeeda,. Xisbiga kulmiye wuxuu aaminsan yahay nidaamka axsaabta badan iyo urur furashadaba isagoo dhiiri galinaya hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland

XISBIGA UCID

Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee magaciisa lasoo gaabiyo UCID ayaa isagu hore u qabsaday shirweynihii labaad ee xisbiga 25/7/2006 shirkaas oo lagu qabtay xarunta hayada shaqalaha dawlada ee magaalada hargaysa shirkan oo socday muddo saddex cisho ah waxaa lagu doortay hogaanki hore ee xisbiga Eng faysal cali waraabe iyo labada ku xigeen

Hadaba waxaa jirtay in 14/4/2007 ee arintii DHahar ka dhacday ee xilka lagaga qaaday wasiirki hore ee gaashaandhiga Somaliland Mud: aadan mire waqaf uu ka faa’iiday xisbiga UCID waxay ahayd muddo yar kadib 24/5/2007 markii xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay ku biiritaanka uu usoo digo rogtay xisbiga UCID
Mr aadan mire waqaf in kastoo uuka gaabsaday arintaku kaliftay in uu kasoo baxo xisbigii uu hore uga tirsana ee UDUB

Mudane waqaf waxaa isla goobtiiba bilaa shuruud loogu doortay gudoomiye ku xigeenka 3 aad ee xisbiga muddo yar kadib waxaa Mr waqaf laga dhigay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga. Halkaa waxaa inooga cad oo aan shaki inagaga jirin in uu xisbigu yahay xisbi shakhsi oo waxka bedelkiisa iyo waxqabadkiisaba uu awoodo oo kaliya gudoomiyaha xisbigu, maadaama xisbigu uu horre ulahaa gudoomiye ku xigeeno shir weynihii 3 aadna aanla gaadhin way adag tahay in xisbiyada kale uu shakhsi kusoo biiro oo uu ka noqdo hogaanka with out Election

Sida aad ka wada warqabtaan warsaxaafadeed kasta oo uu soo saaro xisbiga UCID waxaa ku saxeexan gudoomiyahaa, marka uu xisbigu waxa dhaliilayo amaba uu wax ku taageerayo dawlada waxa kaliya oo metela gudoomiyaha, marka uu xisbigu xubin usoo magacaabayo golayaasha amaba Gudi qaran waxaa kaliya oo soo xula gudoomiyaha iyadoo aan cidna lagala tashan .

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa badi aaminsan in uu xisbiga UCID yahay qayb (Branch) ka mid ah xisbiga talada haya oo gar iyo gardoraba ku taageerada xukuumada iyadoo lagu dhengadaynayo xisbiga iminka mucaridka ugu weyn ee Kulmiye Halka qaar kalena aaminsan yihiin in uu yahay xisbi dhalinyaro oo ku cusub masraxa siyaasada oo is bedel keeni kara

Somalida ayaa ku maah maahda BAADI NIMAAN LAHAYN BAY AG JOOGTA waxaa jira rag badan ooku jira golayaasha iyo xisbiyada qaranka oo geed dheer iyo geed gaabanba u korey siday xisbi ku hogaamin lahaayeen run ahaantiina ku dhaami lahaa amaba wax kaga qaban lahaa haday haystaan jaaniska uu haysto Xisbiga UCID iyo gudoomiyahoodu

Si kastaba ha ahaatee iyadoo markii horeba la ogaa sida uu xisbigu kusoo baxay ayaa hadana waxaa meesha ka maqan isu dheeli tirkii siyaasadeed ee xisbiga looga fadhiyay in uu kaalintiisa mucaaridnimo ka qaato, sida hadda lafteeda ka muuqata xisbigu lamuu iman wax barmaamuj siyaasadeed ah oo cusub oo uu kaga soo reeyo guuldarooyinki is daba jooga ahaa ee uu kula kulmay doorashooyinki ina soo dhaafay

XISBIGA UDUB

Xisbiga udub ee talada wadanka haya ooh aa xisbiga ugu da’da weyn axsaabta qaranka waxaa aas aasay m/weynihi hore Somaliland marxuun Maxamed x Ibraahin Cigaal marxuunku wuxuu geeriyooday isagoo xisbiga gudoomiye ka ah muddo kooban waxaa xisbiga wakhtigaa xoghaye ka ahaa cabdi aw daahir oo iminka ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye

Muddo laba sano gaadhaysa ayaa laga jooga wakhtigii ku aadanayd in uu xisbigu shirweynaha qabsado ilaa iyo haddana ma jirto cid hadal haysa ama gudi loo xilsaaray qabanqaabada shirka, xitaa dad weynaha Somaliland ayay yar tahay in aad ka maqasho hadal haynta ama sida aan cidiba ugu hanweynayn xisbigan maadaama uu ku fashilmay muddadii uu xilka hayay

Xisbiga UDUB wuxuu axsaabta kale ku dhaliilaa gaar ahaan kulmiye in uu shirweynihii qabsan kari waayay amaba muddadii ay dhaaftay halka aan UDUB cidiba is waydiinayn. Goloyaasha xisbiga ayaan iyagu is aqoonba xitaa inta ay ka kooban yihiin marka laga reebo golaha wasiirada oo iyaga qudhuudo ku kala qaybsan cidda uu noqon doono mushaxara xisbiga ee doorashada inagu soo fool leh

M/weyne daahir riyaale ayaa isagu marar badan si kalsooni leh ugu dhawaaqay in uu doorashada soo socotana sharaxan yahay isaga oo aad moodo in aan cidiba ka danbayn xisbiguna kaligii yahay m/weynuhu xitaa wax shuruuda kuma xidhin hadii xisbigu I doortana aan odhan

M/weyne ku xigeenka Somaliland ahmed yuusuf yaasiin ayaa isna sidoo kale shaaca ka qaaday in uu yahay musharaxa xisbiga shanta sano ee soo socota m/weyne key xigeenku wuxuu sheegay in aanu cidna uga dabo fadhiisanayn uuna yahay shakhsiga kaliya ee mudan in uu is sharaxo

Ismarinwaaga siyaasadeed iyo khilaafta laxaadka leh ee xisbiga u dhaxeeya ayaa sababay in aan xisbigu isugu iman wax shir ah oo lagaga tashanayo aayaha iyo arimaha xisbiga hor yaala, wada shaqayn la’aanta iyo kala daadsananta xisbigu waata keentay in uu M/weynuhu magaaco magacaabo Gole wasiiro oo aad u tiro badan oobeelaha lagu busteeyo si mar labaad loogu ilduufo

Somaliland illaahayow xaqa garansii

Hussein Guuleed Jama (afgaab)
Afgaab15@hotmail.com