Dr. Gaboose Oo Ku Hanjabay Inuu KULMIYE Jiidhi Doono Xisbiga UDUB, Marka Doorasho Loo Dareero
Hargeysa(Geeska/garadag.org) -Guddoomiyihii urur siyaasadeedkii QARAN ee hadda la bahoobay xisbiga KULMIYE, haddana ah guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobalada bariga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa ku hanjabay in xisbigooda KULMIYE uu si fudud uga guulaysan doono xisbiga xukuumida ah ee UDUB, marka loo dareero doorasho xor iyo xalaal ah.
Dr. Gaboose, waxa uu hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha curashada sannadka cusub ee 2010 u diray guud ahaan bulshada Somaliland oo uu Alle uga baryay inuu sannadkan uga dhigo sannadkii ay heli lahaayeen rajadii ay mudada dheer dhawrayeen. Dr. Gaboose, waxa uu sidaas ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, kaas oo sidan u dhacay.
Digtoore, Maxaad bulshada Somaliland, aad sannadkan cusub odhanaysaa?
Muddo dheer ayay ummadani halgan ku jirtay, iyagoo nabadooda iyo wada jirkooda ka dhigayay midka koowaad, ictiraaf iyo badhaadhena raadinayay. Sidaas daraadeed sannadkan cusub, waxaan Alle uga baryayaa inuu uga dhigo sannadkii ay geedigaas dheer midhihiiisii heli lahayd oo ay samirkaas dheer ee ay wada jirkooda iyo nabadoodana ku adkaysteen midhihiisii ay heli lahaayeen. Waxaan u rajaynayaa in Alle uga dhigo sannad nabadgelyadooda iyo midnimadoodu sii adkaato, sannad ay doorashooyinku sida ugu dhaqsaha badan ugu dhacaan oo weliba KULMIYE ahaan taageerayaashayadu aanu wada rajaynayno in dalkan isbedel hoggaamineed uu ku yimaado, waayo hoggaan wanaagsan ayuun baa dalka ka saari kara dhibaatooyinka horyaala ee bulsho iyo dhaqaaleba leh. Markaas isbedel siyaasadeed iyo mid hoggaamineed ayaan sannadkan rajaynayaa inuu la curto. Waxaan rajaynayaa isbedelkaas ka dibna inuu Alle inoo furo albaabadii ictiraafka, waxa kale oo aan rajaynayaa inuu Alle inaga badbaadiyo duufaanada colaadeed ee gobalka ka dhacaya.
Digtore, haddii ay doorashoyinku sannadkan hadda curtay qabsoomaan, ma rajaynaysaa inaad doorashadas guul ka gaadhaan?
Horta KULMIYE inuu guulaysanayo waxa cadaynaya doorashadii oo ay xukuumadu ku dhici kari la’dahay inay miiska soo dhigto oo aanu mar walba annaguna diyaar u nahay, sababo aanu u tirinayno inay dhinaca maamulka ka socdaana ay ahaayeen carqalad hortaagan oo mar walba dib u dhigayay. Markaas markasta oo dib loo dhigo waxa ay ummadu ku qancaysay meesha ay ciladu taalo, waxaanay u soo guuraysay xisbiga KULMIYE oo ay hadda baaxadiisu taagantahay meel aanu is odhan karno Allaa wax hubee inaanu ku guulaysanayno. Waxa kale oo aanu umadda ugu bushaaraynaynaa inaanay xisbiga KULMIYE waxba dhulka ka oolin, haddii ay tahay qaabka ololaha doorashada loo qaadayo, waxa naga go’an in ololahayagu noqdo mid furan oo sareex ah oo aan turxaan lahayn oo aan waxyeelayn midnimada umadda iyo wada jirkeeda oo aan doco docaynayn xasiloonida iyo wada jirka umadda. Waxaanu shacabka ugu bushaaraynaynaa in ololaha KULMIYE uu noqonayo mid himilada uu ku socdaa tahay maxaa dalka ka xun, maxaa lagu daweyn karaa?, xagee ayuu khaladku yaalaa?. Markaas waxaanu aaminsanahay sanduuqa haddii lagu dhaco in la dhigo inaanu helayno, haddii uu Alle noo qoray.
Markaas, ma waxaad leedahay xisbiga UDUB ee uu tartanka adagi idinka dhexeeyo inaad si fudud kaga badinaysaan?
Haa, waanu jiidhaynaa si weliba la hubo weeye. Waxaanad taas ka garan kartaa inay miiska soo dhigi kari la’yihiin sanduuqii doorashada, iyadoo mar lagu marmarsoonayo komishankii ayaa sidan ah, seerfarkii ayaa sidan ah, sababahaas doorashoyinka dib u dhigay, xagayaga waxay ka yihiin ciddii xilkaas iska lahayd ayaa ka masuul ah, maanta haddii ay dib u dhacdana iyadaa masuul ka ah. Waxase aan carabkayaga ku adkaynayaa inuu komishanku yahay cidda loo adeegsan karo dhaawaca intaas leegi inuu dhaco, waxaanan komishanka ku ugu baaqayaa inay dareemaan culayska ay qaadeen inaanu umaddan u horseedin dhibaato ee ay umadda u horseedaan inay u qabtaan doorasho midnimadooda iyo wada jirkooda iyo dadnimadooda sii adkaysa, ciddii doontaa ha adkaate, annagu waanu jecelnahay inaanu adkaano waanan dedaalaynaa, waxase aanu u sheegaynaa inay yihiin muftaaxa sababi kara in doorasho wanaagsani dalka ka dhacdo.
Maxaa farriin ah ee aad odhanaysaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE?
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan odhan lahaa guushii waa qarka, ummadii oo dhami way taagantahay, gobaladu ha ogaadaan in dadka intiisii badnayd ay maanta wada KULMIYE yihiin oo UDUB laga soo guuray. Waxaan u sheegayaa inay niyadooda kor u qaadaan oo ay u diyaar garoobaan doorasho xor iyo xalaal ah, waa inay doorashada ku gallaan si bilaa naxli iyo dhibaato ah oo ay dedaal muujiyaan, ogaadaana in shacabka intoodii badanayd maanta wada KULMIYE yihiin. Ciddii Alle u qoray ayaa adkaanaysa waxase muhiim ah inaynu dedaalno oo aynu doorashada u diyaar garowno.
Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
