Oday Ka Hadlay Arrinta Jasiirada Sacaadadiin Oo Xabsiga Boorama La Dhigay

January 12, 2010 - 00:15

Booraama(Geeska) -Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Caaqil  Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Muuse (Ina Xoogbadane), oo ka mid ahaa odayaal dhawaan xukuumadda ku dhaliilay bixinta Gasiiradda Sacaadadiin oo laga hirgelinayo hudheel dalxiis.

 

Maxamuud Xoogbadane oo lagu xidhay magaalada Boorama, waxa xadhigiisa cadeeyay Suldaan Daahir Cusmaan Cilmi oo shalay u waramay Idaacadda Horyaal. Waxaana uu yidhi Suldaanku isaga oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay xadhiga odayaasha oo uu yidhi “Haa arrintaasi waa jirtaa, waxaa xidhan mid ka mid ah odayaashii ka hadlay meesha. …waxa lagu xidhay oo ay tahay uun Xukunada ka jira Afrika oo Somaliland-na waqtiyagan ka jira, kaasoo ah in aan la sheegin dhaliilaha jira…..” Ayuu yidhi Daahir Cusmaan, waxaana uu intaa ku daray oo uu sheegay in aanay jirin sabab loo cuskan karro xadhigan, “Dhaliilo la isku xidhana ma ahayn, Somalilandna waxa ay qaadatay nidaam dimuquraadi ah oo damaanad qaadaya xoriyada hadalka, waana in la is dhaliilo taasoo saxda nidaamka. Anaguna ma garanayno ha hadlina.”

Odaygan la xidhay iyo dhawr oday oo uu ku jiro ayaa todobaadkan shirjaraa’id oo  ay ku qabteen magaalada Boorama waxa ay ku naqdiyeen qaabka xukuumadu u maamushay Gasiiradda Sacaada-diin iyo jawaab Wasiirka dalxiisku ka bixiyay hadal hore ay uga soo saareen. Arrintaas ayaa keentay in doraad ciidamadu waraysi la yeeshaan odayaashan ka hadlay shirka-jaraa’id ee dhaliilay xukuumadda sida Suldaanku u sheegay horyaal. “

“Shalay (Doraad) ayaa la nooga yeedhay Qaybta oo la na waraystay, saakana (Shalay) waxaan ogaaday in la xidhay ninkaas… waxa la naga waraystay shirkii ja’raa’id ee aanu qabanay iyo shirkii hore ee salaadiinta aanu ka midka ahayn, waxaanu shirarkaas ka sheegnay in aan dhulka gasiiradaha kaydka ah ee Sacaadadiin iyo Ceebaad aan cid gaar ah la siin karrin, waxaanu sheegnay in haddii la kiraynayo ay noqoto wax la kaantaroolaryo oo laga warhayo ilaalinta xayawaanadka ku dhaqan.” Ayuu  yidhi Daahir Cusmaan. Waxaana uu intaa ku daray oo uu ku dooday in aanay jirin

Suldaanka waxa la sii weydiiyay, madax dhaqmeed ahaan sababta gelisay dhulka danta guud ah ee xukuumadu ku tagri fashay sharciguna siiyay maamulkeeda waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaa sababay Dadkii deegaanka ku sugnaa ee aanu salaadiinta u ahayn ayaa qayliyay, Gasiiradduna sideedaba waa dhulka sahla in laga munaafacaadsaddo Badaha ee lagu nasto ee Doomaha lagu xidho ee laga hello kaluunka kaydka ah ee sida sahalka ah loo gurto iyo khayraadka kalaba, markaa dadkii ka manaafacaadsanayay ayaa qayliyay oo kaantarool laga geliyay hawlohoodii.” Sidaas ayuu yidhi,

Waxa jira warar ka soo baxaya magaalada Boorama oo tibaaxayay in xubana kale ee odayaasha ah ee ka hadlay arrintan iyagana sidoo  kale la raadinayo, su’aal arintaa laga weydiiyay Suldaanka waxaa uu kaga jawaabay. “Dad baa igu yidhi waa lagu raadinayaa, aniguse nin dhuumanaya ma ahi xadhigana rag baa loo sameeyay, in kasta oo wax la isku xidhaba aanay gaadhin. Mida kale anigu Ri Qoosh cabtay ma ahiye waxaan ahay hogaamiye umaddeed waanan u joogaa oo meel ma tegin.”  Sidaas ayuu yidhi

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa