Xisbiga KULMIYE Oo Ka Digay Xadhiga Maxamed Xaashi

January 22, 2010 - 21:58

Hargeysa(Geeska) -Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii ay xukuumadu xidho siyaasiga caanka ah ee Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka tirsan xisbigaas, iyagoo k adaba joogay hadal uu dhawaan yidhi.

Hay’adda Booliska u qaabilsan dambi baadhista ee CID-da loo yaqaan, ayaa shalay Eng. Maxamed Xaashi, u dirtay qoraal yeedhmo ah. Waxaana Maxamed Xaashi, warqad u  diray Taliyaha CID-da Daahir Muse Abraar, oo ka dalbaday inuu maanta tago xarunta CID-da. Hase yeeshe xisbiga KULMIYE, ayaa yeedhmadaas ku tilmaamay mid ka fog shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala, waxaanay ku tilmaameen mid gaf iyo meel ka dhac ku ah shuruucda dalka. “Qoraalkaasi waa mid sharci darro ah, waxaana hore looga warqabay in hore xabsiga loogu taxaabay Maxamed iyo labadii siyasi ee  kale [Gaboose iyo Jamaal Caydiid] oo aanay deero deero hirdiyin, wax ka dhacayna aanay jirin, hanjabaadaha noocan ahina waa nooc cago juglaynta ka mid ah.” Sidaas waxa yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE Md. Kayse Xasan, oo xalay u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Markaas xisbi ahaan waxaanu u aragnaa gardaro in la ugaadhsado madaxda xisbiga amaba guud ahaan mucaaradka, waxaanan dadweynaha u sheegaynaa haddii aanay xukuumadu joojin tallaabooyinka noocaas ah ee ay ku kacayso inay dhallin doonto cawaaqib xumo dambe.”

Kayse, waxa uu yeedhmada Maxamed Xaashi, ku sifeeyay ugaadhsi lagu hayo intii ka hadhay madaxdii ururkii SNM, “Annagu waxaanu u aragnaa inay arrintaasi tusayso in la doonayo in la ugaadhsado  intii ka hadhay mujaahidiintii SNM  ee waaweynayd si loo tafiir gooyo.” ayuu yidhi Kayse.

Ugu dambayn, waxa uu xoghayaha KULMIYE yidhi,   “Haddii sharcigu shaqaynayo ninkii Cismaan-Hindi ee lahaa Shabaab ayaa KULMIYE ku jira ilaa hadda maxkamad lama soo joojin, guddoomiyihii gobalka Hargeysa ee lahaa dadka qaarkii Hargeysa ha ka baxaan, isna waxba lama weydiin, markaas  dad badan ayaa la qaban lahaa oo warqado loo gayn lahaa. Haddaba  sharcigu ma labaa mise waa mid.”

Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa