Garadag iyo Hareeraheeda

| Image 1 of 4 |
horses.jpg

Madaxweyne Siilaanyo oo si Rasmi ah Xilkii Guddoomiyenimo ee KULMIYE ugu Wareejiyey Guddoomiye-ku-xigeenkiisii Muj. Muse Bixi Ca

August 6, 2010 - 00:39

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si rasmi ah xilkii guddoomiyenimada xisbigiisii KULMIYE ugu wareejiyey Guddoomiye ku-xigeenkiisii kowaad Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiye kuxigeenka Komishanka qaranka oo si badheedh ah u baabi,iyey codadkii garadag iyo reer garadag oo sheegay inay go,aan

July 3, 2010 - 17:07

Garadag(garadag.org)-Gudoomiye ku xigeenka Komishanka qaranka Mudane Cali Kubad ayaa si badheedh u baabi,iyey in kabadan 12,000 laba iyo tobankun oo cod oo ay lahayd degmada garadag ee gobolka Sanaag.

Kooxaha UDUB oo khal-khal ka wada deegaanada gobolka Sanaag

May 31, 2010 - 17:47

Sanaag(garadag.org)- kooxaha UDUBta ayaa sida la sheegay khal-khal ka wada deegaanada g/sanaag. Kooxahan oo isugu jiro wasiiro iyo rag hore u waayey mansabyo dhaqan ayaa deegaanadaas ka wada iska horkeen iyo inay kaadhadhkii codbixiyayaasha dadku ku yidhaahdaan naga iibiya arinkaas oo sida la sheegay ay dadku aad uga biyadiideen. Waxaa kaloo la sheegay in ay jiraan kaadhadh la jar-jaray.

 

Kooxo UDUB ah oo ceel-afweyn ku dhagxiyey gaadhi uu lahaa wakiilka Kulmiye ee ololaha doorahada g/sanaag

May 31, 2010 - 17:31

Ceel-afwey(garadag.org)- Wararka ka imanaya degmada ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,ayaa sheegaya in halkaas ay shaqaaqooyin ka sameeyeeen kooxo UDUB. Kooxahan ayaa la sheegay inay dhagxaan ku tuureeen goob ay ku shirayeen dad ku soo biirey Xisbiga weyn ee Kulmiye,kadibna halkaa waxyeelo ugu geysteen gaadhi uu lahaa Ahmed X. Abdilaahi Rooraaye oo ah wakiilka Olalaha doorashada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sanaag.

Burco:Fadeexad ka dhalatay kaadhadhka xubnaha ka socdey goobjoogayaasha arimaha gudaha

May 14, 2010 - 00:18

 Burco(garadag.org)-Badhasaabka Burco iyo saraakiil ka socota wasaarada daakhiliga ayaa caawa muran xoog lihi ku dhexmaray Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco.

Komishanka Doorashooyinka oo cayimay maalinta ay Doorashada Madaxtooyadu ka dhacayso dalka

May 13, 2010 - 23:57

Hargeysa (Garadag.or)- Guddida Dorashada Somaliland ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay maalinta rasmiga ah ee ay qabanayaan Doorashada.

Afhayeenka Guddida Doorashada Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa galabta shaaciyay wakhtiga rasmiyan ay qabanayaan Doorashada. Afhayeenku wuxuu sheegay in ay 26 bisha June ee soo socota ay Somaliland ka qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada oo ilaa saddex jeer oo hore ka baaqatay in la qabto.

Qaadashadii Kaadhadhka cusub oo si habsami ah uga socota inta badan gobolada iyo degmooyinka Somaliland

May 13, 2010 - 23:40

Garadag-(Garadag.org)- Wararka ka imanaya dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxaa maanta si habsami ah uga bilaabmay qaadashadii Kaadhadhka Cusub.

Deegaanada degmooyinka gobolka Sanaag ayaa maanta dadku isugu soo baxeen goobaha kaadhadhka laga qaadanayo. Degmada Garadag ayaa la sheegay inay maanta nawaaxigeeda ka bilaabmeen qaadashadii kaadhadhka Cusub.

Waxaa iyana qaadashada kaadhadhku si wanaagsan uga socdaan deegaanada gobolka Togdheer oo sida la sheegay ay dad raxan raxan u socda oo kumanaan  ah lagu arkayey goobaha kaadhadhka.

Xoghaya Guurtida Mr.Cabdilahi dheere oo gudoomiyaha golaha wakiilada jaahil ku sheegay

May 13, 2010 - 23:38

Hargeysa (Jam)- Shirgudoonka iyo xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si weyn uga cadhooday hadal ay sheegeen inuu ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo ahaa in Golaha Wakiiladu yahay golaha qudha ee sharciyada ku fadhiya, maadaama oo xukuumadda, guurtida iyo golayaasha deegaanka waqtigoodii sharciga ahaa dhamaaday.

Europe's skies were open for business on Wednesday but, with so many planes having been grounded by the volcanic ash from Icelan

April 22, 2010 - 00:19

About 80 percent of flights in Europe were expected to have taken place on Wednesday while Thursday's level will be almost 100 percent, European air traffic agency Eurocontrol said.

Wednesday's total was 22,500 flights compared with about 28,000 that would normally be scheduled, it said, adding transatlantic flights had returned to normal.

Syndicate content